Klinika Mapesbury waa sahamiyad nidaamsan ee loogu tala galay inay u fidiso adeega la'talinta iyo cilmi nafsiga oo midaysan dadka qaxootiga ah iyo megengalya doonayaasha. Latalinta iyo cilmi nafsiga waxaa bixiya dad ku taqasusay tababarkan iyo arday horumartay ee ka kala yimid dhaqano iyo aasaas kala duwan, kuwaas oo badanaa ayaguba ahaa naftoodu qaxooti.
Adeegani wuxuu kaloo fursado u fidiyaa meelaynta lataliyayaasha asalkoodii ahaa qaxooti iyo kuwa kale ee uleh tababar haboon kuna hadla luuqadaha loo baahanyahay. Meelaynta waxaa lagu taageerayaa kormeer joogta ah iyo inay helaan tababar dheeraad ah.
Ujeedada
Ujeedadeena u muhiimsani waa in aan u suurta gelino qaxootiga iyo megengalyadoona yaasha inay helaan adeeg latalin iyo cilmi nafsi ku haboon dhaqankooda iyo luuqadooda.
Yaa loogu tala galay?
Adeegani waa u lacag la'aan dadka qaxootigaa, ayna ku jiraan megengalya doonayaasha iyo dadka kasoo maqan wadankoodii ee jira 18 sano iyo ka badan ee degan xaafadaha ka mid ah London. Haseyeeshee, uma diidno adeegan qaxootiga iyo megengalya doonayaasha ka yimid banaanka gobolada London. Tani waxay ku xiran tahay hadba xaalada qofka, waxaan kaloo kaa caawini karnaa qarashka baabuur raaca.
Adeegyada aan fidino- Klinika Mapesbury wuxuu ku fidiyaa latalinta iyo cilmi nafsi midaysan dhaqanada kala duwan iyo luuqadaha kala duwan ee Carabiga (lahjada maqrib, bariga dhexe iyo kuwa kale), Faransiiska, Farsiga, Isbaanishka, Bosniyaanka, Tamilka, Luuqada Serbo-Kroatiga, Kurdishka, Albaniyaanka, Afka-Soomaaliga, Turkiga iyo Ingiriiska. Luuqadaha kala duwan ee looga hadlo Klinika hadba way kala duwan yihiin weyna kordhaan marba marka ka danbaysa. Fadlan nasoo wax oo na weydii.
- Waxaan kaloon u fidinaa adeega u doodida iyo aqbaar bixinta dadka ka qoran Klinika mawduucyada kala duwan sida waaxda socdaalka, siismada ceyrta, guriyaynta, iyo taageerka megengalyada. Waxaan kaloo u gudbi kartaa macaamiisheena latalin taqasusan iyo uga doodid arimahaan iyo kuwa kaleba. Fadlan la soco in adeegani ay heli karaan macaamiisheena loogu soo diray Klinika latalin.
- Laxiriirka hayadaha kale si aan ugu fidino inay helaan macaamiisheenu adeegyada kale ee muhiimka ah.
- Dadku ayaga ayaa iska imaan kara ama waxaa soo gudbin kara GP gooda, rugagta caafimaadka ee kale ama shaqaalaha adeega bulshada. Kliniku wuxuu kaloo yeelayaa dadka laga soo gudbiyay hayadaha madaxa banaan iyo kuwa mushtamaca la shaqeeya. Foomamka soo gudbinta waxaad ka heli kartaa Klinika, bogeena intarneetka, ama waxaan kaloo yeelnaa gudbinta si fiican loo habeeyay.
- Markaan helno, soo gudbinta waan kula socodsiinaynaa. Kadib waxaa dhici karta inaad sugtid mudo sedax bilood ah intaanan lagu siin balan lagugu qaymaynayo.
- Qiimayntu waxay noo suurta gelinaysaa inaan ogaano adeega latalinta ama cilmi nafsiga kugu haboon ee aan kuu fidin karno. Hadii latalintu aysan haboonayn, macaamiisha iyo qofka soo gudbiyaba waxaa lugula socodsiinayaa qoraal
- Latalin ama cilmi nafsi ayaa laguu fidinayaa isla marka uu boos banaanaado. Ilaa intaas, dadka waxaa la gelinayaa liiska suga yaasha waxaana laguu sheegayaa inta ay arintani qaada doonto.
- Macaamiishu waxay kaloo isticmaali karaan Klinika udoodi diisa iyo adeega macluumaadka hadii ay u baahanyihiin caawinaad iyo latalin xaga arimaha loo fulin karo.
- Latalinta waxaa laguu fidinayaa usbuucii mar, sida caadigaa ilaa mudo labo iyo tobaan jeer ah. Latalinta mudada dheer ama cilmi nafsiga waa la heli karaa laakiin waxay ku xiran tahay hadba xaalada qofka.
- Klinika Mapesbury ma aha meel fidisa adeeg deg deg ah; macaamiisha waxaa lagu arkii karaa uun ayagoo balan dhigta.
- Adeegani kuma haboona dadka bukaankaa ee qaba dhibaatooyin xaga maskaxdaa ama hada caba qamriga ama ku xad gudba isticmaalka daroogada. Dadka ay haysato arima sare waxaan u gudbinaynaa adeegyo kale ee ku taqasusay arimaahaan meeshaan ka helno oo nagu caawini karta
Qoraalada ama faahfaahinta kale ee lagaaga qoro Klinika waxaa lagu haynayaa meel aad uga qarsoon qaraabada, saaxiibada ama dadka kale oo dhan. Waxaan arintaada soo bandhigaynaa oo kaliyah markay macaamiishu noo ogolaadaan. Inta ka baxsan sida caadigaa ah waxaa lagu sharaxayaa biloowga latalinta.
Saacadaha furitaanka iyo suaalaha
Soo gudbinta
Shaqaaluhu waxay joogaan Talaado ilaa Jimco inta u dhexeysa
10:00 Aroornimo ilaa 5:30 Galabnimo. Iyo Sabti laga bilaabo
10:00 Aroornimo ilaa 2:00 Duhurnimo.
Adeegan waxaa laguu fidin karaa saacadaha ka baxsan waqtiga shaqada. Dhismaha waxaa lagu soo geli karaa gaariga curyaanka.
SuaalahaWixii faahfaahin ah ama hadaad rabtid inaad suaal na weeydiisid waxaad kasoo wacdaa Klinika nambarka 020 7644 6250 ama waxaad tagtaa bogeena intarneetka: www.mapesburyclinic.org.uk
Xagee nalaga helaa? Maxadada taraynka ee noogu dhow:
Queen's Park (Laynka Bakerloo)
Maxadada Raylka ee noogu dhow:
Brondesbury Park Iyo Queen's Park (Layntka Silverlink)
Nambarada Basaska na ag mara:
6, 36, 187, 206, 316
Xaruntu malaha meel baabuurta la dhigto.
Baakinada u dhowna waqtigoodu waa kooban yihiin.
Klinika Mapesbury
20 Lonsdale Road,
Queen's Park, London NW6 6RD
Tel: 020 7644 6250
Fax: 020 7644 6241
Email: clinic@mapesburycentre.org.uk
Boga Internetka (Website) www.mapesburyclinic.org.uk
Registered charity no. 1042052.
Company limited by guarantee registration no. 2966937.
Funded by London's Local Councils & The National Lottery (BLF)
Download PDF version here